Soomaaliya waxa ay ku taallaa Geeska Afrika, oo ah meel istiraatijiyad leh oo ay daneysay quwadihii reer Yurub intii u dhaxeysay qarnigii 19aad iyo horraantii qarnigii 20aad. Gumaysiga waxaa ku jiray dhul qaybiyeyaal ah oo lagu xukumay shuruuc ajnabi ah, iyadoo dadka deegaanka laga saaray maamulka iyo dhaqaalaha.
2. Noocyada gumaysiga ee Soomaaliya
Gumaysigu wuxuu ku yimid qaabab kala duwan oo ay kala yimaadeen quwadaha reer Yurub:
- Gumaysiga Talyaaniga:
- Talyaanigu wuxuu xukumay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (Italian Somaliland) laga soo bilaabo 1889 ilaa 1960.
- Waxay dhiseen dekedo, jidad, iyo xarumo ciidan, laakiin dadka Soomaaliyeed waxay la kulmeen canshuur adag iyo cadaadis siyaasadeed.
- Gumaysiga Ingiriiska:
- Ingiriisku wuxuu xukumay Waqooyiga Soomaaliya (British Somaliland) laga soo bilaabo 1884 ilaa 1960.
- Ingiriisku wuxuu diiradda saaray ganacsiga iyo ilaalinta dekedaha, isagoo qayb ka dhigay maamulka reer Yurub.
- Gumaysiga Faransiiska:
- Faransiisku wuxuu xukumay Jabuuti (Djibouti), oo aan si rasmi ah ugu jirin Soomaaliya hadda, laakiin la xiriir dhowr beel oo Soomaali ah.
3. Saameynta gumaysiga
- Dhaqaale: Reer Yurub waxay maamulayeen ganacsiga, waxayna dadka Soomaaliyeed ka saareen fursadaha dhaqaale ee muhiimka ahaa.
- Bulsho iyo dhaqanka: Gumaysigu wuxuu isku dayay in uu beddelo dhaqanka, waxbarashada, iyo luqadda, taas oo dhalisay isku dhaf cusub oo dhaqameed iyo casriyeed.
- Iskahorimaad: Dadka Soomaaliyeed waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah gumaysiga, sida Dagaalkii Daraawiishta oo uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
4. Halyeeyada iyo iska caabinta
- Sayid Maxamed Cabdulle Xasan: Hogaamiyihii Daraawiishta, oo iska caabiyay Talyaaniga, Ingiriiska, iyo Itoobiya.
- Halyeeyo maxalliga ah: Beelo badan oo Soomaali ah ayaa iska caabiyay gumaysiga iyaga oo difaacay dhulkooda iyo dhaqankooda.
5. Gebogebo
Gumaysigu wuxuu horseeday in Soomaaliya ay noqoto mid la qabsata siyaasadda iyo dhaqaalaha casriga ah, laakiin sidoo kale wuxuu sababay burbur bulsho iyo dagaalo sokeeye oo daba dheeraaday. Markii ugu dambeysay, Soomaaliya waxay xornimadeeda heshay 1-da Luulyo 1960, kadib markii la mideeyay British Somaliland iyo Italian Somaliland.
DHAQDHAQAAQYADII GOMANIMO DOONKA AHAA
Sanadkii 1894-tii waxaa jirtay in dadkii soomaalida ahaa ee daganaa gobolka koofuureed ay ka gilgisheen fool-xumadii gumaysatada. In yar dabadeed sanadkii 1899-kii Soomaalidii gobolka waqoyiguna waxay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo gobani modoon ah. Waxaa labada dhaqdhaqaaq horkacayay labo nin oo waa ween.
Xaga koofurta ninka horkacayay wuxuu ahaa suldankii deganaa degmada marka waqtigaas isaga ah.
Kan labaad na wuxu aha Maxamed Cabdule xasan. Wuxuu Maxamed dhashay 7/abriil/1864 wuxuuna ku dhashay Qoob fardood. Wuxuu Maxamed hor socday geesiyaashii wadaniyiinta ahaa ee la oranjiray Daraawishta.
Mudadii udhaxaysay 1899-1921 , waxay daraawiishtu u dagaalamayeen gobanimo.
Meeshii markii ugu horeysay uu ka bilaabmay dagaalku waxay aheyd degmada Buuhoodle, Xaruntiisuna waxay aheyd Taleex ( gobolka Togdheer ). Maxamed wuxuu jeclaa inuu isku keeno Soomaalidu isticmaarka qaybsaday kana dhigo umad midkaliya ah. Wuxutna ahaa gabyaa weyn wuxuuna jeclaa Af-soomaaliga, uuna doonayay inuu arko Af-soomaaliga oo qoran, wuxuu ahaa daacad, wuxuu ahaa geesi iyo aftahan.
Waxay ahaayeen Max’ed iyo daraawiishub a dad naftooda u huray dalka hooyo iyo diinta islaamka. Waxay daraawiishu jebiyeen quwadii isticmaarka oo ay iskaga horyimaadeen goobo badan waxaana kamid ahaa:-
Cagaar weyne iyo Dulmadoowe.
Bishii agoosto sanadkii 1913-dii waxaa dagaalkaa lagu dilay gaalkii ciidanka Ingiriiska watay oo la oran jiray koofiil. Markii darawiishdu dagaalameysay mudo kabadan labaatan sano oo ay la dagaalamayeen quwada gumaystayaasha Ingiriiska, Talyaaniga, Amxaarada iyo Soomaalidi i la jirtay ayaa la burburiyay xaruntii Taleex.
Markaa Max’ed iyo darawiishtii lasocotay waxay qabteen dhul dhufays leh oo ka mid ahaa dhulka iminka xabashadu haysato.
Waayo wuxuu Max’ed ahaa ninkii ugu horeeyay oo Afrikaan ah oo lagu weeraray Diyaarad markii loogu tabar waayay dhulka. Mudo yar dabadeedna wuxuu ku dhintay meesha layiraahdo Iimay. Waxayna kutaalaa gobolada Soomaalida ay leedahay ee imminka haaysata Dawlada Itoobiya. Waxaana lasheegay in aan sidaa loga harin ee aad iyo aad loo baadi goobay oo laradiyay meydka sayidka laakiin nasiib wanaag gumeysiga Ingiriiska kuma uusan guulaysan oo ma uusan helin meydka Sayidka.
Hadaba waxaa iswaydiin leh muxuu karabay gumaystaha Ingiriiska meydkaas dhintay oo muxuu kufalayaa, Taas jawaabteedu waxay tahay Gumeysiga Ingiriiska wuxuu layaabanaa maskaxda fayoow oo wadanigaas islaamka ahi ay ku jirto si baaritaan ugu sameeyo ayuu u raadinaayey.
