Suugaanta Soomaalida, gaar ahaan tii hore ee loo yaqaanay suugaan-hiddeedka, ayaa loo kala saaraa qaybo kala duwan oo waaweyn. Qaybahaasi waxaa ugu muhiimsan: Maanso iyo Tiraab 

Maansada (Tixda) 

Maansadu waa laanta ugu caansan suugaanta Soomaalida, waxaana loo arkaa inay tahay udub-dhexaadka dhaqanka hadalka ah. Waxaa loo kala saaraa noocyo badan oo ku kala duwan miisaanka, luuqadda iyo ujeeddada, waxaana ka mid ah: 

Tiraabta

Tiraabtu waa qaybta kale ee suugaanta, waxayna ka kooban tahay hadal ama qoraal aan miisaan iyo qaafiyad lahayn. Noocyada ugu caansan waxaa ka mid ah: 

Suugaanta Soomaalidu waxay inta badan ku tiirsanayd habka loo yaqaan suugaan-hadleedka (oral tradition) sababtoo ah Af-Soomaaliga ma uusan qornayn muddo dheer. Fanka Soomaalida waxaa ku jira noocyo badan, kuwaasi waxaa ugu caansan: qaraamiga, qaaciga, jaaska, saarka, ruwaayada, majaajilada, filimaanta iyo wixii la halmaala. Waxa hubaal ah in qofkasta ku khalkhalayo farqiga qaaci iyo qaraami. Qaacigu waa nooc ka mid ah heesaha kuwaasi oo la qaado ayadoo (fanaanku) fadhiyo, loo garaaco sida badan kaban iyo sacab kali ah, laakiin qaarkood lagu daro durbaan ama narso iyo turinbo. Si taasi ka duwan, qaraamiga Waxaa la garaacaya noocyo badan oo qalabka muusig ah, fanaaniintu way taagan yihiin ciyaarayaan (isruxayaan) ama way fadhiyaan.

Qaaciga

Qaacigu waa nooc ka mid ah heesahasomalida taasi oo leh dhandhan ka duwan noocyada kale ee sugaanta. Qaacigu waa hees caadi ah oo loo tumayo kabanama gitaar, durbaan iyo sacab kali ah. Mararka qaar waxaa muusiga qaaciga lagu daraa turnbo. Heesaha qaacigu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.

Fanka Soomaalida waxaa in badan ku jira heeso qaaci ah oo la sameeyay wakhtiyo la baashaalayo.

Heesaha Qaaciga Caanka

Heesaha hoos ku xusan waa kuwo dhowr jeer oo kala duwan la qaaday. Waxaa laga yaaba inaad aragtey heesta oo leh muusig ama la soo cusboonaysiiyay. Kuwa aan halkan ku soo bandhigay waa nooc qaaci ah.

Gabay

Gabay waa hadal murtiyeed taxan oo ka kooban beydad (tuducyo) mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya

Abtirsiinta gabayga

inkastoo aan la isku waafaqsanayn abtiriska gabay, maanso, suugaan, oo nimba meel u qaaday hadana waxaan la isku diidanayn in gabay yahay jaad ka mida Suugaanta.

Faalo

Nafyahay ha fududaan
Fadalkana ha dheerayn
Hana furanin dabarkiyo
Fakashada gar kaa xidha
Falaadh qaanso iyo leeb
Intay kala firdhanayaan
Kama foga wadkaaguye
Yuu ku qaadin fooruhu

Faralbaa ku saarane
U dhig fooda rabigaa
Waa qaan fariintuye
Fuli amaro waawayn

xigasho mubaarig yusuf dheeg

Maanso

Maanso: Waa magac kooba guud ahaan jaadadka Tixdu ay u kala baxdo. Si kale haddaan u dhigo Maanso: waa magac dallaalimeeya haltirin waliba oo ku sifowda tix halbeeggeeda jaad kastoo loo falkiyaba meeriseynteeda. Halkaa waxaan ka fahmeynaa in ay Tixdu qaabab kala duwan u soohanto. Markaaan u kuurgalno guud ahaan haltirinnada Tixda, hababka kala duwan ee ay soohmaan, waxaan ku soo ururin karnaa laba bahood oo kala ah:

• Beyd dheerta maansada.

• Beyd gaabta maansada.

Beyd-dheerta Maansada.

Qaab-dhismeedka haltirinnada beyd dheerta maansada, waxay ku tixoobaan meeris dheere, oo uu micnaheedu yahay: haltirin waliba oo ku maansowda beyd dheer dhammaan tuducyadeeda, waxaa looga baahan yahay in laga helo; tuduc waliba dhexdiisa: laba eray oo ka bilowda xarafraaca ay ku tixeysan tahay. Haddii laga wada helo taxa tuducyadeeda laba eray oo xaraf raaceeda ah, waxay ku sifoobeysaa tixoobideeda beyd dheerta maansada. Haddiise, laga waayo waxaa caddaaneysa in aaney beyd dheer aheyn. Haltirinnada beyd dheerta maansada waxay kala yihiin:

1. Gabay.

2. Guuroow.

3. Buraanbur.

Beyd-gaabta Maansada.

Guud ahaan jaadad-tixeedyada ku aroora beyd-gaabta maansada. Waxay ku tixoobaan falkadooda meeris yare. Oo loola jeedo: haltirin waliba oo beyd gaab ahi waa in laga helaa dhammaan tuducyadeeda; mid waliba ka mid ah: hal eray oo ka bilowda xarafraaca ay meersan tahay. Haddii laga wada helo taxa tuducyadeeda hal eray xarafraaceeda ah waa sidii laga rabey beyd gaabnideeda maanseed. Haddiise, laga waayo iska daa beyd gaab ay noqotee waxay ka baxeysaa seerihii ay ku tixoobi laheyd. Haltirinnada beyd-gaabta maansada waxaa ka mid ah.

1. Geeraarka.

2. Masafada.

3. Jiiftada.

4. Saarka.

5. Shiribka.

6. Surowga.

7. Wiglada

8. Heesaha casriga ah iyokuwa kale.

W/Q: Macallin C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan {Gacanka}

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *