Maahmaahyadu waa odhaahyo ama oraahyo gaaban oo ay Soomaalidu adeegsato si ay u gudbiso xikmad, waano, ama tusaale nolosha ku saabsan. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Macnaha Maahmaah

Maahmaahdu waa hadal kooban oo leh xikmad iyo micne qoto dheer, waxaana lagu cabbiraa waayo-aragnimada, caqliga, iyo dhaqanka bulshada.


Qaybaha Maahmaahyada

Maahmaahyadu guud ahaan afar qaybood ayay u qaybsamaan:

1. Maahmaahyo Waano iyo Xikmad ah

Kuwaan waxaa lagu dhiirrigeliyaa wanaag, akhlaaq iyo caqli:

2. Maahmaahyo Digniin iyo Tusaale ah

Waxaa lagu baraarujinayaa halis ama khalad laga fogaado:

3. Maahmaahyo Kaftan iyo Madadaalo ah

Kuwaan waa kuwo lagu qoslo ama lagu muujiyo dhacdooyin nolosha kaftan leh:

4. Maahmaahyo Diin iyo Dhaqan Isku Jira

Waxay isku daraan xikmad iyo iimaan:


Maahmaahyo Iyo Macnahooda:

………………………………………………………………………….

1.Damal walba in gubta ayaa hoostaal:

…………………………………………………………………………………

Macnaheedu waxa weeyaan, aduunka dhibaato, hawl iyo shaqo kama dhamaato waayo ilaahay ayaa ugu talo galay. Markaa qof kasta oo dhibi lasoo daristo ama hawl adag haya waxa uu isku maleeyaa inuu isagu kaligii culays saaranyahay oo uu dadka kale ka dhib iyo shaqo adagyahay. Laakiin sidaa maaha oo qofka kasta mashaakil iyo hawl aduun oo isaga u gaar ah ayaa haysata. Sidaa darteed ayaa loo yidhi ” geed walba in gubta ayaa hoos taal”, oo ah qof walba hawl iyo dhib u gaar ah ayaa haysata .

2. Dani waa seeto

…………………………………………………………………………………………….

Qofka caqliga badan ee wax kala garanaya inta badan dantiisa ayaa xukunta oo wixii dantiisa ah kama tago. Ruuxii dantiisa ka adkaan waayana dan cid kale ma garto waayo tiisii ayuuba dayacay, inta badana qofka aan dantiisa raacin had iyo jeer waa khasaaraa. “seeto = waa dabar ama xadhiga xoolaha lagu xidho si aanay u baxsan”..markaa waxa loo jeeda hadaad adiga oo raba inaad iska baashaal tagto hadii dani kugu soo baxdo waa inaad danta ka raacdaa ciyaarta iyo baashaalka, markaa dantii ayaa ku seetaysay oo ciyaartii kaa joojisay….

3. Uli way qabowdaa eray xumise ma qaboobo

……………………………………………………………………………………..

Hadii dad is dagaalaan oo ay gacan is gaadhsiiyaan, hadii la is gacan qaado oo la heshiiyo dhibkaasi waa laga bogsadaa oo horay ayuu u dhamaadaa. Laakiin hadii gaf ama hadal ceeb ah oo bahdil ah la iskula tago taas oo aad qof, qabiil ama dad aad xidid tihiin ku xad gudubtid oo hadal ceeb oo aanay gayin sheegtid, waxaad ogaataa in aanu hadalkaasi waligii hadhayn oona la iloobi doonin. Waxana laga yaabaa inuu sababo is nacayb iyo colaad waligeed aan hadhin oo laga yaabo in ay u gudubto jiilalka soo socda..sidaa darteed ayay soomaalidu u tidhi ” Uli way qabowdaaye hadal xumise ma qaboobo”..Hadalka xuni waligii ma hadho.

4. Barasho horteed ha I nicin:

……………………………………………………………………

Qof aanad aqoon u lahayn oo aanad garanayn ha iska nicin waxbana ha ka sheegin oo ha dhaleecayn. Dadkana inta badan waxay ku dhacdaa qof uuna garanayn ayaa looga sheekaynayaa markaa ayuu iska xukumayaa qofkii oo uu xumaan ku tilmaamayaa. Markaa sidaa darteed ayay soomaalidu u tidhi ” Barasho horteed ha I nicin”,, qofk aanad aqoon u lahayn ha iska qaniinin, yaanan lagugu dirin….

6.Raad arooryaad dib looma raaco:

……………………………………………………………………………………..

Soomaalidu barigii hore may samaysan jirin suuli ama kaniif or ” toilet”. Mark ay rabaan inay xaajadooda soo gutaan waxay u bixi jireen banaanka meel ka fog guryaha si ay ugu kaadi ama saxaro tagaan. Markaa hadii aad subaxii intaan baxdo aad raad qof kale raacdo ama ama daba gurato waxa laga yaabaa in raadkaasi ku geeyo meel lagu saxarooday ama lagu kaadshay ama qof iska xaajoonaya inaad dul tagto ayaa laga yaaba, taasna waad ku ceeboobi. Markaa waxa loo jeedaa arin hadaad sii faqgaqdid ama sii daba raacdin meel xun kula galaysa ama dhib iyo ceeb keenaysa ha baadhbaadhi…. Sidaa darteed ayay somalidu u tidhi ” Raad arooryaad dib looma raaco

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *