Heesta kabeda

Xaabsatoy kabadeey xadhigma reebay, allow bilisxilkeedqariyey

Xaabada tiil bay iga iga xambartayeey, allow bilis xil keedqariyey

Geedba geedka udheer laga garcayeey , galool mudhay mulaxdiyey

Geesi geelkeniyo, gabadh diirta galool logu daahaye

Naagta kabadalaheey,kaalindaraneey,adaankaydba siidhiganeey.

Koronkor cuni mayno kariba mayne

Baranbashareeyay buulshareerey ma maanta bankaa helayeey.

Saaxil laga keenyey wada sujuriyeey.

Siyaab aqalka loo saaryeey.

Awdal laga keen yey alalag dheerey.

Hirbari lagaga soo oriyey

Balan bashaleyey buul shareer mamantan bankaa helayeey.

Koron kor cuni maynoo kariba maynee

Karuur geel malahayaayey.

HEESTA Aloolka

Aloolka waxa laga sameeya geedka loo yaqaan duurka oo lamo dhuudhuban leh. Suufaf calal ah iyo xadhko ayaa lay sugu soo haa, Si farshaxana oo qabaysan ayaa loo sameeya.Inta ay samaynayaan heeso ayay isu ma weeliyaan,

Alla waa xujoy waa xujoy!

Geel xerada diida waa xujooy!

Alla waa xujoy waa xujoy!

Xerakale ka ollaa waa xujoy!

Alla waa xujoy waa xujoy!

Faras xerada diida waa xujoy!

Alla waa xujoy waa xujoy!

Xerakale ka ollaa waa xujoy!

Alla waa xujoy waa xujoy!

Gabadh xillaha diida waa xujoy!

Alla waa xujoy waa xujoy!

Xeelad bay kawadata waa xujoy!

Heesta waraabka idaha

Dayloy dar madhan

Oo doqon kujiro

Haw soo durdurin

Waa lagu duryaa

Awlalka xarka gay

Ee xayaabada

Xagga hoosiyo

Xaaxey mooyee

Xoolo kale male.

Heesta Daajinta Idaha

Galaalo ilmaha

Gosha galiyo

Geed hadhwayniyo

Galool u hadhgee

Daylo foorara

Adoo foorara

Foorihii gu ‘gu

Fooda kaa qabay

Heesta waraabka RIyahana

Garooy garo daa

Oo garba cas daa

Adna giirooy

Guuxa hoosiyo

Gardarrada daa

Gadh nin gobaley

Gurdan faraslay

Gabooye colley

Goojiyaa timid

Heesta Daajinta Riyaha

Deeroy waxartaa

Yaanay daaline

Degenaan soco

Deero qalabooy

Nin qatani qalay

Walaalkii qadi

Quudna kama helin

Heesta maqasha

Saawiri mudyoow

Solay lagu wadhyoow

Dumar saafayoow

Raggu sahayayoow

Sumalkii dhalaa

Sida loo socdiyo

Sunsunkaba aqoon

Heesaha Fardaha

Bakhayl adhi badan

Oo ban dheer yaal

Baruur muda shiyo

Adaa badhi kule

Bule fulan iyo

Baroor food dheer

Oo fanku cadyay

Wayo lagu fuul

Wase lagu fulay

Bilaha gaajadu

Qora xawyoo

Qardanbed kiyo

Qananta hadh mood

Heesaha Dameeraha

Abeer dhaga weyn

Arooryada hore

Wa alxayn jiray

jilba gaabaneey

jaawa geelbu

jees udhaama

Dameerahaygu

Waa dir kawkaw

Waa dir kaba lacad

Waa walool

Wixii loo dhigo

Way wadaagan

Heesaha Dhaanka

Marka doogu cadaado

Ee caleentu ka duusho

Cadaado labeedan

Reerku cidan sadaa

Raga caatadu gaadhay

Awrta caynku kuraago

Ucalaan calimaysee

Aftida awri cantuugtiyo

Xadhig caradu dushay

Ayay ucalaan calaysaa

Heesaha Beeraha

Marka beertu bislaato

Balkaan kuu gurayaaye

Anaa kuu badhi goynee

Boorow beerka ku hay

Goortu goorta hagadho

Goorta care hagaadho

Casar gaaban hagaadho

Heesta beenyada

Nimaan maydin kugurin

Moxoguna udheerayn

Masruufkaga adagyahy

Heesaha jIlaabashada Kaluunka

Tuun Tuunsanow

Tunba meel dhigaw

Tamadaw ku mee

Heesaha cawska

Caws kanow sabool diidow

Yaan suuqa lagu dhigineey

Sodon lagugu baayiciney

Yan sameyay lagu odhaneey

Bisinkiyo quraaankay

Khadka lo xa lagu dhigayeey

Qaadirow raxmankiyow

Hana qadin qiyaamaha eey.

Heesaha Caruurta

Hobeey Hobeey Hobeeya

Hobey Hobeey Hobeeya

Arboow Arboow Arboowa

Arboow inan kaygiyowa

Arboow ubax nuurayoowa

Arboow Arboow Arboowa

ABiyo ABBO Samooba

Umiyo Abti Ficanowa

Adeero wanag sanowaa

Ayeeyo iyo ehel samawaa

Ardooy Ardooy Ardooyaa

Ardooy indhahaygiyeeyaa

Ardooy adhaxdaydiyeeyaa

Ardooy cano laydagtooyaa

Aroos khayrlana gashooyaa

Ardooy inan taydiyeeyaa

Ardooy ubad abaabaiyayaa

Ugaasyo xambaratooyaa

Ifkana laga naadiyeeyaa

Albaabka janada gashooyaa

Samaw samaw samowaa

Samow sarariyo lagowaa

Sakaariyo maydhaqaowaa

Sadkuu rabi keenawowaa

Sadriga iqaboojiyowaa

Sareedo idhalatayowaa

Sadkuu rabi keenayobaa

Safarbaa inoo maqnaayee

Hobeeya Hobeey Hobeeyaa

Sadaak ban filanayaayee

Sokeeye haynoo imaado

Dhibaaya dhibay dhibaayaa

Dhibay gabadh dhalatay waa dhib

Dhibteediyo halacyadeedaa

Ninkiibaa idhibayadeedaa

Dhibaadba doonideedaa

Dhibaaya dhibaay dhibaay

Dhibaay gabadh dhalatay waa dhib

Hobeehey hobehey hobeeyaa

Hobaala hobaalayowaa

Waynow waynoowaa

Warsame waynoowaa

Waar dhaanbaa inoo maqnayee

Warsamee haynoo yimaado

Hobeey Hobey Hobeyaa

Maxaad waydood u waalan

Maxaad ana iwareerinin

Maxaad adna wax isu yeelii

Hobeey Hobeya Hobeeyaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *