Qeexidda dagaal waa macno badan yahay laakiin waxaa ka soo qaadaneynaa inuu dagaal yahay isku dhac ay isku dhacaan laba qof ama in ka badan, waxaana loo qeybin karaa laba qeybood oo kala ah: dagaal gacanta ah iyo dagaal afka ah, waxaana sababa ama dhaliya dulmi iyo xadgudub uu qof ku sameeyo qof kale ama dowlad ay dowlad kale ku sameyso waxaysan qaadan Karin.

Haddaba, dagaal maxaa ka dhasha oo laga dhaxlaa, way iska caddahay waa hoog iyo ba’, burbur iyo dhaqaalo xumo, dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saxda ah ee kuu bannaan waa midka aad ka fursan weydo in aad difaacdo naftaada, sharaftaada iyo cirdigaadaba, waana dagaalka laguu banneeyay oo keliya in aad ku jihaaddo naf iyo maalba sida midka lagula dirirayo argagixisada, burcadda banneysatay dhaca islaamka iwm.

Haddaba, manta dalkeenna waxaa ku furan dagaal argagixiso kaasoo ay waajib ku tahay qof kasta oo soomaali ah in ka qeyb qaato jihaadka

Dalkaan waxaa ku soo duulay kuwo doonaya in ciribtiraan shacabka soomaaliyeed dabadeedna soo dejiyaan qolo aan la garaneynin oo gumeysteyaal ah, sidoo kalena doonaya inay qaataan dhulkaan iyagoo diiddan in ay jiraan wax soomaali layiraadho dhul iyo dhalashabana diiddan.

Kaasoo kale waa dagaalka xaqa ah ee ilaahey raalli nooga yahay in aan difaacanno diinteenna dalkeenna iyo dadkiisaba.

Dagaalka intaas ka soo haray ee baadilka ah waa mid aan loo baahneyn oo fasaad ah sida dagaallada qabaa’ilka.

Waxaa jira dagaal kale oo ka dhex dhaca dadka deriska ah kaasoo ka billowda wax aan macno lahayn badanaa waxaa dhaliya caruurta ama haweenka, kaasina ma fiicna waayo dadka deriska ah waxaa habboon inay is qadariyaan waayo xaq bay isku leeyihiin, qofka deriska kula ah wuxuu ka xaq badan yahay kan aan kula deriska ahayn, meeshii aad ka xiriirin lahayd oo aad ka war qabi lahayd xaalladdooda hoose mama dhaceen in aad isqoontaan, dhibaatooyinka yar yar ee ay dhaliyaan caruurta iyo haweenkana waji ayaa ka weynaan lahaa iyo isqadarinta.

Haddaba, dagaal maahan wax fiican mana ahan wax la doonto, laakiin haddii uu kusoo qaabilo waad is difaaceysaa adigoona xad gudbeynin.

Haatan iyo danna dagaal ruuxii diyaar u ah waxaa looga baahan yahay furunta dagaalka iyo dagaalka xaqa ah ee lagula jihaadayo kuwa soo duulay ee argagixisada ah, maanta dagaal kale ma furna waa mid ka  dowlad iyo shacaba u diyaar garoobayaan ee xaqa ah.

Marka dagaalkale wax faa’iido ah maleh ee ka fogaada oo xiriiri deriskaada iyo walaalahaada iyo dhammaan ummadda muslimiinta ah

maahmaahyoka hadlaya colaadda (dagaalka, isqabqabsiga, iyo nabadda la’aanta), mid kasta oo ay raacdo sharraxaad kooban:


  1. Col kaa guulaystay, nabad kaa doori.
    πŸ‘‰ Micne: Marka cadowgu kaa adkaado, nabad waa ka wanaagsan tahay in lagu sii dagaallamo.
  2. Col iyo abaar waa la kala doortaa.
    πŸ‘‰ Micne: Labaduba waa dhibaato, balse mid baa ka daran; mararka qaar colaaddu way ka khatar badan tahay abaarta.
  3. Colkaaga markaad aragto, nabad u sheeg.
    πŸ‘‰ Micne: Nabad raadso halkii aad dagaal geli lahayd.
  4. Col la qabaa, caddaalad baa lagu qabtaa.
    πŸ‘‰ Micne: Dagaal waxaa lagu joojiyaa gar iyo caddaalad, ee ma aha xoog keliya.
  5. Colka waa la kala qaadaa, ee lama wada qaato.
    πŸ‘‰ Micne: Dhibka iyo dagaalka lama wada qaadi karo; waa in la kala joojiyaa.
  6. Col iyo ciil midna ma fiicna.
    πŸ‘‰ Micne: Dagaalka iyo nacaybka labaduba waxay keenaan burbur iyo xumaan.
  7. Colka waa lagu badiyaa ama lagu baxaa.
    πŸ‘‰ Micne: Dagaalka natiijadiisu waa laba – guul ama geeri.
  8. Colaaddu ma dhaxal wanaagsana.
    πŸ‘‰ Micne: Dagaal iyo nacayb midna ma keenaan wax wanaagsan.
  9. Col aan la kala celin, nabad laguma helo.
    πŸ‘‰ Micne: Haddii colaad la oggolaado, nabad lama heli karo.
  10. Colka waa la xaliyaa, lama xoojiyaa.
    πŸ‘‰ Micne: Dagaalka waa in la joojiyaa, ee aan la sii hurin.
  11. Col waa la qabtaa, lama sii daayaa.
    πŸ‘‰ Micne: Marka dagaal bilaabmo waa in degdeg loo joojiyaa.
  12. Col iyo cabsi midna horumar ma keeneen.
    πŸ‘‰ Micne: Halgan iyo cabsi joogto ah lama hormaro.
  13. Col ku qaad, cadow ha noqon.
    πŸ‘‰ Micne: Xaalad adag ha la dagaallanto, laakiin qof ha noqon cadow aan raalli laga noqon.
  14. Colka maanta la joojiyo, berri waa nabad.
    πŸ‘‰ Micne: Nabadda mustaqbalka waxay ku timaaddaa marka la joojiyo colaadda maanta taagan.
  15. Colka dadkii qaaday baa ugu horreeya dhibkiisa.
    πŸ‘‰ Micne: Kuwa dagaalka bilaaba ayaa inta badan dhibka ugu horreeya ka hela.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *