part2Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa mid qani ku ah farsamada gacanta,gaar ahaan agabka lagu isticmaalo nolosha miyiga iyo reer guuraaga.Halkan waxaan kugu sharaxayaa agabkaladuwan iyo sida loo isticmaalo, waxayalaha laga sameeyay.
BAAQULI
Baaquligu wuxuu ka kooban yahay Bir iyo Satiyo. Birtu waa weel wax lagu shubto oo laga keenay dibadda, waa weel godan oo oogada sare ku leh midabyo kala duwan oo qurux badan.
Satigu waa shay la tolay oo laga tolay “Caw”, wuxuuna ka kooban yahay: Sati hoose iyo dabool sare. Satiga hoose wuxuu leeyahay sal uu ku fariisto iyo af banaan oo baaquliga lagu rido, waana ka gaaban yahay daboolka sare. Daboolka sare wuxuu leeyahay af ballaaran, dhex-dhuuban iyo sal uu ku istaago marka dhulka la dhigo.
HAANAgabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
Haantaan waa weel la tolay oo laga tolay geed lagu magacaabo “Argeeg Xididkii”, Argeeggu
Haantu waa weel la tolay oo laga tolay “Qabo”. Geedka Qabada ahi waa geed aan dheereyn oo leh laamo dhuudhuuban, qodxo iyo caano. Marka hore geedka baa la gubaa, markuu gubto oo ay ka dhammaadaan qodxaha iyo caanuhu baa la jaraa laamaha ka dibna diirka baa laga qaadaa oo laamaha lafahooda baa la jeexjeexaa, ka dibna weelkii la rabo baa laga tolaa. Marka la tolo Haanta iyo aagaankeeda waa la aslaa oo waxaa lagu aslaa, asal laga soo jafay geed lagu magacaabo “Qaroon”.

DHIIL
Dhiishu waa weel la tolay oo laga tolay geed lagu magacaabo “Qabo”. Geedka Qabada ahi waa geed gaaban oo leh laamo dhuudhuuban qodxo iyo caano. Marka hore waa la gubaa geedka qabada ah, oo markay gubtaan qodxaha iyo caanuhu baa laamaha la jaraa oo diirka laga qaadaa, dhuuxa laamaha baa laga tolaa hadba weelkii la rabo. Dhiishu waxay ka kooban tahay dhowr shay oo kala ah: Dhiisha, Haruubka, Suuman iyo Aleel. Dhiisha oogadeeda waxaa aad loogu qurxiyey suuman faraqsan…

DERMO
Dermadu waa shay la falkiyey oo laga falkiyey “Caw” midabyo kala duwan leh. Cawda marka geedka laga soo gooyo, waa la qalajiyaa ka dibna Haweenka Soomaaliyeed intay dharbiyaan bay ku sameeyaan hadba inta midab ay u rabaan Dermada. Dermada waxaa lagu seexdaa oo waxaa lagu magacaabaa “Gogol”. Dermadu waxay leedahay labo dhinac oo midna duf leeyahay kan kalena uusan lahayn. Dhinaca aan gaska lahayn baa lagu seexdaa. Waxaa Dermada ku dhaqma reer magaalada iyo reer miyigaba.
CAYN
Caynku waa xarig xoolaad oo la tidcay. Caynka waxaa laga tidcaa hargaha xoolaha, haragga marka xoolaha ama neefka laga siibo baa dhogorta la rifaa ama laga hoolaa. Markaas ka dibna waa la aslaa. Asalku wuxuu ku jiraa dhowr beri, ka dibna waa la jeex-jeexaa oo waxaa laga dhigaa afar ama lix qaybood, markaas ka dibna waa la isku tidcaa, afkana wuxuu ku leeyahay bul qurux badan. Marka la raro Awrta baa lagaga xajiyaa bogga hoose, si aysan u dhicin alaabta ratiga saaran. Caynka waxaa ku dhaqma dadka reer guuraaga ah, waxaana sameeya Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool miyiga.
UDUB AMA TIIR
Udubku waa geed la qoray. Waxaana laga qoraa geedo kala duwan. Udubku wuxuu leeyahay laba ganood oo ah kuwa wax celiya, maxaa kalana waa dhuuban yahay oo dhulkaa la qotomiyaa. Dhinaca kale way isla eg tahay qoortuna wuxuu ku leeyahay xarar lagu qurxiyey. Udubku wuxuu ka mid yahay aqal soomaaliga qaybihiisa ugu waawayn, oo aqalku uusan dhismi karin la’aantiis. Waxaa ku dhaqma reer guuraaga soomaaliyeed.
GEMBISO
Gembisadu waa shay la sameeyey oo laga sameeyey laba nooc oo kala ah: saab iyo fur ama aabur. Saabku wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah: geedo laamahood dhuudhuuban iyo harag Ari oo la jeex-jeexay sida jilka dhigaha oo kale. Laamaha marka la soo gooyo baa la dubaa oo waxaa lagu dubaa raran si laamahu u gubtaan iyadoo aan u jebin. Markaas ka dibna waxaa lagu xirxiraa jilkaas hore. Gembisadu dusha sare waxay ku leedahay mardimo lagu qurxiyey, madaxa sarena waxaa loo yeelaa qoor ama luqun laga sameeyey jil, harag iyo maro. Furka waxaa laga tolay Caw, oogadiisana waxaa lagu dahaaray harag iyo maro, wuxuu leeyahay sal, qar iyo girgir. Gembisada waxaa lagu ritaa alaabta dhaqsaha u jabta iyo cuntada ceeyinka ah oo ay ka mid yihiin: Bariiska, Sonkorta, Masagada, Digirta, Midleyda iwm. Waxaa ku dhaqma reer guuraaga, waxaana sameeya Haweenka Soomaaliyeed.dhaqandhawr.com