Guur   waa midowga lamaane si u sii wadaan jiritaanka aadamaha. Guurku wuxuu ahaa mid soo jireen ah tan ilaa wakhtiyadii ugu horeeyay ilbaxnimada dadka. Dunida maanta waxaa ka jira nidaamyo iyo caadoyin badan kuwaasi oo ku salaysan dhaqanka, dhaqaalaha, wadanada, diinta iyo nolosha.Guurka Ilaahay baa asaasay. Dhaqanka soomaalida guurku 10 nooc ayuu u dhici jiray.axay ahaayeen sahan dumar.Guurka iyo caado dhaqameedka somalida

Guurku waa heshiis shari ah oo ku qotoma diinta ama dhaqanka

Waana afgarad ka dhex dhaca laba qof oo lab iyo dhedig ah kuwaas oo ku heshiiya in ay reer yagleelaan ama ay dhistaan

Guurku waa saldhiga taranka aadamaha oo haduu guur jirin waa uu dabargo’i lahaayeen dadku

sikastooy ahaataba bulsho waxay ka unkuntaa dhismaha qoyska waxa sida la og yahayna dhidibada u aasa guurka kalsooni dhex dhacda labada qof ee isguursanaya ama is fahan dhex mara labada jinsi ama labada shaqsiyeed

Guud ahaan bulshooyinka caalamku waxa ay ku kala duwan yihiin dhaqamada iyo caadooyinka la xidhiidha dhanka guurka taas ood arkeyso wax yaabo badan oo lagu kala tagsan yahay hadaba dadyowga somaliyeed waxa ay leeyihiin caadooyin u gaar ah oo cidana lawadaagin

dhamaan somalida dhexdeeda cadooyinka waa ayka kasimanyihiin waloow ay jiraan kala duwanaansho deegaan kaasoo sababay farqiyo dhanka guurka ah

hadaba waxa jira guurar farabadan iyo caadooyin kuwaas oo ka baxay saaxada nolosha bulshada soomaalida

waxaynu isku dayidoona in aynu si kooban u sharaxno guurka iyo caadooyinka somalida

NOOCYADA GUURKA SOOMAALIDA

Guurku waa noocyo badan yahay midkastana waxa uu wataa caado soo jireen ahayd oo laga dhax lay dadkii hore ee somalia ahaa waxanad arkeysaa in ay yihiin soomaalidu dad dhaqan s facweyn lahaa muddo badana xoojinayey dhaqanka se waxa maanta ka muuqda bulshadu dhaqan ka guur iyo ka sii fogaansho ay sabatay ka imaanshaha dhulkii dhankaqanku yaalay siada miigii waxana ka mid qaar dabar go’ay iyo qaarkale oo sii dabar go’aya waxana ka mida guurarkii hore ee soomaalida noocyadan

v Geed-fadhiisi

v Heerin

v Dhabar-garaac

v Xigsiisan

v Dumaal

v Godob-reeb

v Xudun-xidh

Geed-fadhiisi

Geed-fadhiisigu waa habka ugu sareeya guurka soomaalida waana guurka ugu maamuuska badan uguna sharafta badan waxankamida qaababka uu u dhaco ama loo gudoomo inanta laka guursanayo qaabkan hoos ku xusan

marka hore doobku waxa uu sahan u gali jiray soona day dayi jiray isaga iyo dhalin yaro kamida beeshiisa waxayna dhalinyaradaasi ku taakuleen jireen doobka si uu usoo helo inan tii ku habooneyd wiilka

inanta laguma deg degi jirin oo way hubsan jireen in ay tahay inan gabadh gaari ah oon baaliyo basritoona ahayn sidoo kale inantu iyaduna dhankeeda ayey iska tijaabin jirtay doobku haduu ku qanco inanta waxa intaa ku xigtay in reerka ayaa loo sheegi jirey inanta hablaayo in loo so geed-fadhiisan doono malinta caynkaas ah reerka ay inantu ka dhalatay waxa ay isku diyaarin jireen in ay sameeyaan una waabaan geedkii inanta lagu bixinlahaa kaaso muhiim ka aha dhaqanka somalida waxakaloo reerku diyaarin jireen sooryo lagu cuno inta lagu jiro bixinta inanta

hadaba inta ay socoto hawsha sooryentu waxa dhex socon jirtay kaftan iyo taarriikhada hablihii hore ee la kala guursaday iyo guulihii ka dhashay ayaa lays dhaafsan jiray intaa kadib waxa madasha ka kici jiray af hayeenka martida oo hadalkiisa ku soo koobi jirey

Mantana muraadkayagu waa hablaayo ood hebel siisaan oo nagula xididaan

markuu dhamaysto waxa hadalka kadaba qaadan jirey nin ka soo jeeda dhanka martida loo yahay ama inanta bixinaysa isguna waxa uu hadalaka ku soo koobi jirey sidan soo socota

Idin siinay idin kula xididnay hablaayo

marka intaa lays dhaafsado waxa loogu jawaabi jirey [idinka gudoonay] intaa kadib waxa gacanta isaari jirey wakiilada ka kala socda labada dhinac sida caadada ah inantu kama soo qaybgali jirin ama kama aysan xaadiri jirin geedka iyo madasha lagubixinayo sidoo kalena inanku kama hadli jirin goobtaa

islamadasha waxa lakala qaadan jirey gabaati

Gabaatigu waxa uu ahaan jirey faras shaabuug kitaab quraan ah iyo waxyaabo kaloo qiimo badan

hadaba waxa inanta bixin jirey inant inta badan aabeheed oo ah ninka ay ka godo arinta gabadhisa ama inantiisa waxakaloo bixin jirey hadii lawaayo ama sababo kale ku yimaadaan awoowgeed oo ah masuulka labaad ee inantu ka godo ama bixin kara wxakaloo soo raaca adeerkeed ama walaalkeed haduu qaan gaadh yahay intaasiba waa ragga aasaaska u ah dumarka ee bixinkara waana lagama marmaan

HEERIN

Heerinku waxa uu ka mid yahay guurka soomaalida ama caadooyinkii hore ee laga soo gaadhay dumarkii hore ee soomaalida ahaa

guurka heerinku waa guurka inta ay gabadhi reerkooda ka tagto aysan aabeheed bixin oo ay reer iska dul fadhiisanto ooay tidhaa waxaan ahay inan heerin ah

waana guurka soo go a dumarka marka la guursan waayo ama ay gashaanti ay noqoto oo uu guurku ka raago waxa kaloo kamida in inant ay nin isaaqsatay ama eegatay ooy doonayso in ay guursato sidaasina waa ay keeni jirtay

waxa kamida qaababka uu u dhaco guurkan

in ay hablo dhowr ahi ka raago guurku ama ay noqdaan hablo waaweyn oo la danayn waayo ka dib waxa ay gaan san jireen in ay isaga tagaan deegaanka ay ku nool yihiin oo ay tagaan deegano kale waxayna ahaayen guurdoon oo sida ay u socdaan ayaa reerka ka soo horbaxa ay iska fadhiisan jireen iyagoon idan waydiisan

markaa waxa la odhan jirey waxa inoo soo galay hablo heerin ah waxan kala qaybasan jirey ragga reerka jooga oomarka meel laga eego guurkani waa guur qasab oo waxa jira haddii aad soo saarto hablaha xeerar adag oo ay soomaalidu ku dhaqmi jireen waxana kaimd ahaa in inant heerinka ah ee lasoo saaro ay tahay sharaf dhac oo lagu xadgudbay sharafta qabiilka ay ka soo jeedo iyo sharafteeda waxa kaloo xeerarka soomalida kamid ahaa inan ta lasoosaaro iyda oo heerin ah in magteedii labixiyo oo 50 halaad la dhiibo xeerarkani waxay ahaayeen qaar muhiim ah oo aan suurta gal ahayn in dhayal layskaga daayo

xaalkuna waa uu adkaa oo haday qabiil bixin waayaan waxa lagu tala gali jirey dagaal goobtana waxa ka dhici jirey colaado horle

dhaqan

DHABAR-GARAAC

Dhabar-garaacu waxa uu kamid yahay qaababkii loo ggursan jirey gabdhihii soomaalidi hore

guurkani waa guur qasab ah oo waxaad arkeysa sifooyinka xun ee uu leeyahay waxana kamida qaabka uu udhaco

in inani ay nin ku tidhaa ima guusaneysid aniga oo ku dayriso guur uu waydiistay ka dib marka uu xanaaqo waxa uu samaynayaa in iyda oo adhi la joogta ama ciyaarka ciyaareysa uu soo qabto isaga iyo dhalinyaro kale oo uu soo kaxaystay waxana si garbaduub ah loo soo kaxayn jirey inanta oo hadii ay diido in ay laba dhangadood gosha u galiyaan ayey qaadi jiren waxa kale lasmayn jirey intaa ka dib in inanta uu abeheed qasab ku bixiyo ileen waa la taybee

XIGSIISAN

xigsiisanku waa nooc ka mida guurarka soomaalida ay caado dhaqameed ay u leedahay oo laga soo gaadhay dadkii hore ee soomalida ahaa

xigsiiisanku wuxuu imaada marka ay dhimato gabadhii uu qabay nin ka dib waa marka uu reerku siiyo inankii isla reerkii ayaa layidhaa hebel wuu xigsiistay inankale ayaa la siiyey

inta badan waxa ninka lasiin jirey marka ay ka dhimato gabadhiisi hore ee uu qabay inan ay walaal ahaayeen marxuumadii ka dhimatay ninka

inta badan waxa ay dhici jireen marar dhowr ah waxana ka mid ah

Gabadhu ama marxuumadu ay ka tagay caruur yar yar oo loo gu daneynayo caruurta iyo reerka

In ninku ku cusub yahay guurka taasina waxa la siiya gabadh kale oo ubadasha tii ka dhimatay taasina waa ay keenta xigsiinka

ujeedooyinka xigsiisanku waa wax wanaagsan oo dhaqan ah kaasoo loogu danaynayo caruurta iyo reerka oo looga baqaayo in ay dayacdo hadii gabadh kale soo gasho caruurtana si ku haboon u dhaqi weydo caruurtii rajoowdey ee hooyadood ka baxday

waa caado aad u wanaagsan waxayna ka mid tahay dhaqameed waana guurarka sii dabar go’aya ee guurarka soomaalida

nin la odhan jirey samatar baxnaan oo xigsiisatay gabadh markey ka dhimatay tiisi hore waxa uu gocday in ay san u dhigmi karin tani gabadhiisi hore ee la odhan jirey cibaado waxana uu tiriyey tixdan waxase u soo jawaabay nin ay gabadh ay is xigeen oo ku leh waar hab laha ama gadadha waa loo xil qariyaa ee u xil qari ankuba hablaha waxba kama sheegne

caku dunida cuur wada dhashaa qaarba cayn yahaye

caleemaha baxayaba darbaan carun ku dheehnayne

yaa yidhi cibaadiyo tanaa caano wada nuugay

waa tan jawaabtii

Ninkii qaawiyaa dumar ku arag qoonsimaad badan e

Anagguba hablaha waa qabnaa waana qarinaaye

Qaylada maxaad samataroow kor ugu qaadaysa

DUMAAL

Dumaashu waxa ay ka mid tahay guurarka sii dabar go ‘aya ee ka dhexbaxay bulshada dhexdeeda waxana ka mid tahay caado dhaqmeed laga soo gaadhay dadkii hore ee soomaalida

dumaashu waxa ay ahayd marka walaalka uu ka dhinto ama inadeerka gabadh uu qabay ood guursato adigu ayaa la odhanaya hebel waxa uu dumaalay hablaayo

dumaashu waxalogu danaynaya caruurta si ay u dayacmin oo aan raaska uusan u soo gelin nin caruurta waxba u ahayn

dumarku madumaalo qof aysan dooneyn oo ay ka raali ahayn aysan ragganimadiisa geesinimadiisa ay hubin wuxuu yidhi nin abwaan ahi isaga oo kahadlaya arintaa waxa uu yidhi sidan

ü Madumalo naagaha ninkay nolol ku dayrshaane ;

abwaan salebaan carrabey

GODOB-REEB

Godob-reebku waa nooc kamid ah guurka soomaalida ama siiyaabaha laysku siiyo hablaha

gudob-reeb ku wuxuu dhacaa marka dhiilo ama dagaal ka dhex dhaco laba beelood oo meel wada dagan

marka beeluhu islaayaan kalana gaadho dhiig dadkuna kala kaad sadaan isku socodkii colaada awgeed ayaa odayaasha labada beelood ay iskugu iman jireen geed hoostii si ay u xaliyaan dhibaatada ka taagan bulshada ay ka soo jeedaan iyo habkii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa ayaa ay howsheda galaan

garta waxa laysku haysto iydoo ay u gar naqijireen dadka baxsan labadaba waxa hubaal ah in ay labada beelood ee colaadu ka dhexayso samayn jireen in guurtidu tidhaa beelwalba waa in ay soo saartaa hablo dhowr ah

ka dib waxa lays waydaarsan jiray oo lakala guursan jirey

halkaas ayaa labada reerna ku xididi jireen waxayna noqon jireen umad aan kala maarmina oo abti iyo inankii ku ahaan jireen

sidaasna waxa loo samayn jirey in ay nabadi ku dhalato wayna ka dhalan jirtey

XUDUN-XIDH

Xudun-xidhku waa nooc ka mida siyaabaha ay soomaalidu isku guursato waana guur soo jireen ah oo laga dhaxlay dadkii hore ee soomalida ahaa wana mid qiimo badan

xudun-xidh ku waa marka inanta uu aabeheed ku idhaahdo hebeloow inankaaga ayaan inantayda ugu xudun xidhay oo macneheedu yahay way is guursanayaan markey weynaadan

hadaba guurka noocan ahi waxa uu dhicijirey markey laba qof ama labada waalidi ay saaxiib isku dheer ahayeen ayaa ay inta badan sidaa samayn jireen si ay san u kala tagi una kala fogaan

guurkani waa guur dhib badan oo aad u adag mataqaan inantu inanka ay guursanayso raalina kama aha mana wada hasaawin maysan dooran iyadu waxa kaloo intaa lawadagaa inanka

guurkan waxa lakala gudoomay inantaiyo inanka oo yar ama uurka ku jiraan hadaba marka dhan laga eego noocan guurka ah ma ‘aha mid fiican oo loo bogikaro

soo koobid caadooyinkii hore ay samayn jireen dadkii soomaalida ahaa xiliga guurka

KAALADA: kaaladu waa dhaqan ay leedahay soomaalidu waana caado soo jireen aha guurkana u ah wax muhiim ah

hadaba kaaladu :ereyga sida kamuuqata waa taakulayn iyo wax tar qof ubaahan in loo gargaaro micnihiisadhabta ahna waa gargaar

kaaladu waxa ay ahayd in inanka guursaday xoolo loo ururiyo dadku siiyaan maal inta ay karayaan ayuu qof kastaba keeni jirey

waa waxa wanaagsan in lacaawiyo dadka ama qoyska cusud ee hadda la yegleelaayo hadana waa ay ka xishoon jireen dadku in ay guursadan iyga oo faramadhan taasna waxa ka hadlay abwaan la odhan jirey Xuseen Qasaal oo lahadalayey inan uu adeer u ahaa isada oo yidhi inan ayaan guursanayaa aniga oon xoolo faraha ku hayn abwaankiina waxauu yidhi sidan

Nikay oori caydhihi siidii aarka daba joogto

Goortuu ayaamo ugalmoodo aradku hayn waaye

Inkastood asaag kula midiyo ayni kale raacdo

Waxaad iman ayaantuu tashigu oodan kaa gale e

Adeerkaa rumaad baan ahiyo aabahoo kale e

Arintayda maqal jeer danbaa la arki doonaaye

waxakaloo lasheegaa in Abwaan Cismaan Aadan Dibi oo xoolihii ka kala dhimeen ayaa abihii waydiisanayey geell uu ku daro xoolaha reerka loo geynayo waxana uu tiriyey tixdan hoos ku qoran

Aabow rag manidiisa waa madhacsamaadaaye

Aabow ma meermeeri karo mayayna soo hoorye l

Aabow hadaan laga makalin maahirey dhaliye

Aabow mar qaliil iga madhwayn ha igu maydiyayne

Aabow marbaa igu hadhaye mawsinkii ridaye

Aabow mar qudha waadan arag midab haldhaaleeye

Aabow midha faarax iyo madaxdii weeyaane

Yarad: yaradku waxa uu ahaa xoolaha labixinaayo marka inanta lala soo wareegayo

Gabaati : gabaatigu waxa uu ahaa xoolaha lagu bixiyo madasha la fadhiyo ee inanta lagu bixinayo

hadaba yaradku waxa inta badan inanta lagu jaangoyn jirey yaradkii hooydeed laga bixiyey kaasoo inuu kabato mooyee inuu kayaraado ay adkaan jirtey

ninka waxa lagu qiimayn jirey ama lagu maamuusi jirey inta uu ka bixiyey xoolo inanta uu guursaday xoolo badan in aad bixiso waxay ay ahayd mid uu ku faano hadhowna uu kula gorgortomo ragga ka soo dooni doona hablihiisa

waxaynu soo qaadan doona tixyar uu leeyahay cabdi bacaluul oo intuu xoolo laxaad leh bixiyey lagu soo yidhi soo kordhi waxan angu hablahayga kumabixinee

Xoollaa laxaad leh ee waxkale libin ma hooyaane

Lixdan adhiya iyo qaalibay igaga laaleenee

Liil geliya caawana wixii lagula laabmayo

Hadaba waxahablaha lagu bixin jirey xoole ahaan marka la eegayo waxau badanaa uguna qaalisanaa inana ku soo xero gelinaya waa geell geelluna waa xoolaha ugu qaalisan ee ay dhaqdaan dadka sooomalida waxana cayna in hablaha lagu bixin jirey geella tixdan uu leeyahay Abwaan Salebaan carrabey

wuxuuna yidhi sidan

Guurdoon haddaad tahay asaad geela bixinayso

Waa gaadan jirey inan ninkii goosan karaayaa

Gabadh waliba waa hooyadeed tay ugurataaye

MEHER :

meherku waa xoolo aan reer iyo qoysna lahayn oo lasiinayo gabadha waana xaq ilaahay ugu waajibiyey ragga inay dumarka siiyaan waxa waana shardi diineed oo hadii lawaayo uuna ansaxayn meherku

Meherku sidoo kale wuxuu lafdhabar u yahay ka heshiinkiisu fulida fulida guurka iyo habi usocodka hanaqaadka in la noqdo lamaane wadaaga nolosha

inkastoo lagu kalaa duwanaa deeganada soomaalida wax yaabaha lagu bixin jirey meherka gabadha inta badan caan ahaa geella dayowga kale een haysanin geellna waxa uu ahaa kolba waxa ugu qaalisan ee laga helo ama laga isticmaalo deegaanka ay ku noolyihiin

DIIQQADA

Diiqadu waa xoolaha lasiiyo reerka cusub ama labada qof ee is guursaday ama labada qof ee lamaanaha noqday

dhaqankan oo laga wada sinayen waa caado lagaga dhaqmo gobolada qaarkood

marka la bixiyo inanta ayaa labada qoys ee xididay ka balamiyi jireen waqtiga aqal galka kaas oo aan ka yaraan jirin muddo sanad ah muddada sanadka ah reerka laga guursaday inaanta ayaa waxa ay sii diyaarin jireen aqalkii aygali lahaayeen reerka cusubi oo dhamaystiran

MARIIN

Mariinku waa dhar dahab ama lacag adag uu keeno wiilku una keeno inanta ama aroosada

berigii hore waxa ugu mihiimsanaa oo mariin layskugu keeni jirey cunaabi suuqad iyo muriyad beryahan danbe ee magaalooyinka layimi waxa ugu qaalisan dahab lacag wax mariin laysku siiyo

waxa laguda galaa intaa kadib in arooska ladiyaariyo oo lasameeyo madal laysku arko lana oogsado mashxarada ciyaaraha heesaha gabayda geeraarada buraan burada iyo waxkastoo ka qaybqaadan kara farxada waloow maanta ay ka gedisan tahay waxyaabahaynu kor ku soo xusnay

GELBINTA AROOSKA

Marka aqalka ladiyaariyo ayaa arooska iyo aroosada midba dhinac laga soo galbin jirey iyadoo loo soo wado madasha ama aqalka loo diyaariyey haduu yahay laba daryaale iyo ganbisba midku doonaba hanoqdee aqalka loo dhisay ayaa la keeni jirey galbiskuna berigii hore lugbuu ahaa

aroosada dumarbaa soo galbin jirey mushxarad iyo heeso ugaar ah yaa ay u qaadijireen aroosada iyaga oo daafaha kasocda marka ugu danbeysana waxay keeni jireen aroosda hoyga iyada oo faraxsan lagan adheenaayo waji furan

inta badan waxa aroosada ay wadan jirtey ilmayar ama daadahayn jirtey sidoo kale waxa ay sidan jirtey dhiil caano ah sidani waxa ay ahayd filasho iyo rajeyn wanaagsan oo looga jeedo caruur iyo xoolo badan

Ragguna

ragguna geestooda ayaa ay kasoo galbin jireen arooska ayaga oo ku labisan dhar aad u bilicsan una badan dharka hiddaha iyo dhaqan kaynu u lahayn sitana gaashaan iyo waran marka layimaado hoyga arooska ayaa ciyaar lakala oogsan jirey ragga iyo dumarka

waxakaloo jirtey in aroosada lasoo raro kahor ayaamaha arooska oo lakeeni jirey aqalka cusub hooygeedana waxa looga dhisi jirey meel ka yara durugsan raaska

HEESAHA AROOSKA

Marka inanta lasoo kaxeeyo ee aqalka lasoo galbinaaayo aqalkeeda waxay dumarku uqaadaan heesahan kuna guubaabinayan

gaarinimada iyo isku filnaasha ay reerkeeda ku dhaqilahayd waxaana kamadh neyn ducooyin ay u du cayn jireen una filaanjireen ubad iyo xoolo badan walina dhanka wiilasha ayey ubadin jireen

waxana kamida kuwan hoos ku xusan

Gabadha soo gelbiyey

Gedo xariireey

ninbey jabaday

jookh dheereey

Qacmo meel wadatooy

Gabadha qaliifooy

Wacayskii qoraye

Adigu qaadooy

Qaalmo meel wada tiyo

Gabadh qaliifooy

Wacays raagey

lagaa reebyeey

Arooskeena aamiin

umulo wiil leh aamiin

Arooskeena aamiin

Alloow tiiri aamiin

Alloow taqbal aamiin

Arooskeena aamiin

GAAF

Gaafka waxa laga isticmaala gobolda qaarkood oo loma dhama waa meel la waageeray oo lagu qurxiyey gogol sharaxaad kale oo lagu soo gunaanado xaladihii iyo munaasibadihii socday arooska habeenkaas xeedhadii arooska la keenaa oolagu soo bandhigaa dadka hortooda is la habeen ka waxa suga habsami u socodka madasha iyo kala danbeynta hablahaasi waxay sitaan ulo ay ku hagaajinayaan kuna edbinayaan qofka xumeeya madasha

xeedhadu waa fujaan ay ka buuxdo muqmad taasoo lagu dahaadhay timir laga saaray laftii lana xashay waxa ku qofilan dabaq iyo sati oo sidii gabadh caruusad ah ayaa loogu soo lebisaa waxna loo xidhaa maro masar hilqado katiinad boqor dhacleh kabo intabadan waxa lagu xujeeyaa ragga ka soo jeeda dhanka ninka arooska ah dhalin yara ayaa is ku dayda in ay furaan se ma gartaan mana fududa sida lagu furo xeerada waxana fura qof aqoon dheerada u leh dhaqan ka kuna xeerdheer hidaha iyo dhaqanka

furida waxa laga bilaabaa hilqadaha katiinada iyo masarka oo inta hoos loosocdo ugu danbeyntiina waa laga wada siibaa ilaa kabaheeda qofkastana oo garan waayana hablaha ayaa ku karbaasha ulo

madashani waa madal laysku xujeeyo laykuna tijaabiyo maskaxaha kala duwan ee binu aadamka jirabkuna kama maqna waxa kaloo lasameeya in lays waydiiyo hal xidhaalayal suaalo dhankasta ah qofkii garan waayana waxa xukumi jirey maxkamad ay samaysteen wardiyaasha madasha ama askarta meesha joogta askartu maaha askartii caadiga ahayd ee aynu naqaanay waa dhalinyaro madasha jooga oo dadka su aalaha waydiinaya

madashani waa madal ay isku bartaan dhalinyarada arooska ka soo qaybgashay taasina waxay fursad sii saa in ay samaysmaan qoysas cusub ku waas oo salka u sii adkeeya jiritaan binu aadam ka iyo tarankiisa

xididaynta guurka

xididaynta guurku waa waxa ay isku noqonayaan labada reer ee iska guursaday maraka laga hadlayo dhaqanka soomaaliga

xididnimadu waxa ay ka dhalataa guurka oo waxa lo odhanayaa labada reeri waa xidid iygoo looga jeedo labda reeri inay

waxbay kala qabaan sidoo kale xidinimadu waxay dhalisaa in lays ixtiraamo lays sharfo lays maamuuso qoysba qoyska kale

inanka arooska ah abihii waxa uu unoqonaya inanta lasoo guursaday soddog hooyadana waxay unoqonaysaa inanta aroosada ah soddoh inanka arooska ah waxa u noqonayaa inamada ay walaalaha yihiin inanta seedi hablahana waxauu unoqonayaa dumaashi hadaba haday sidaa isku dhex galeen labada reeri waxana keensanaya dhaqankeena qaayaha badan xidhiidh ku intaa kuma eeke waxa uu gaadha qabiilka oo dhan oo waxa layidhaa reerkaa hablaynu ka qabnaaye wanaajiya

khilaafka iyo sababaha keena qoyska soomaaliga

khilaafku waa wax iska caadiya ooka dhex dhaca dad meelkuwada nool waanu imankara xili kasta saban kasta ileen meel dad iskugu yimid lagama waayo ismaan dhaafe wana ayka hor imankaraan lamaanuhu soomaalidu way ku maahmaahan iyagoo sheegaya in uu khilaafku wax dhicikara yahay sheegaya waxay dhahaan {carab iyo ilko ayaa isugu dhow oo iyaguna way is qaniinaan }

laakiin waxa nasiib dara ah in la xalin ka riwaayo khilaafka yimi

xurguftu waa ismaan dhaafka ugu yar ee dhex marta lamaanaha iyo cidkastoo khilaafka dhexeeyo

waxayaabaha layskaga hor yimaado inta badan ka waxa ka midahaa sida loo dhaqaaayo reerka ama dayac xumo ka muuqata xoolaha iyo reerka waxana heerka ugu sareeya kaga jiri jirey marwooyinka loo yaqaan baalida ama basarida

waxa inta badan muranku salka ku hayn jirey dayactirka reerka xoolaha caruurta odayga marti galinta iyo sooryenta culumada waxana sida muujinaya abwaan soomaliyeed oo kor iyo hoosba waxa ugu sheegay gabdhiisa laakiin ay qaadan wayday oo kasiiqaday walaf ilaa ugu danbeyntiinamarkey dhagjalaq usiinwayday soo bandhigay eenta iyo ceebta ay leedahay gabadhiisan uu qabaa waxanuu ahaa ninkii la odhan jirey maxamuud cali beenaale

wuxuuna yidhi

naagyahay wadnaha kuuma gelin waanadii hore ee

weedhaan qalbiga kuugu ridey welefku kaa qaadye

wacdigaan ku faray waadigaan wageree xaalaynee

haddaan wayne kaa qaban asaan waaxidkaa celinnin

walaalinta ubadkaaga waa lagala weecdaaye

kaa waayey wiilkaaga ood sidato waa noole

waayeel cirro leh weedh xunwaa lagala waabtaaye

kaa waayey inaad waalidkey waxu lilleysaaye

wehel culumo kama maarmi anigoo weyne

kaa waayey inaad waysada weli u qaadaaye

dhallinyaro walaashayn haddaan waabka soo geliyo

weylaalistaad ii dhigitiyo waalidiyo gaadha

kaa waayey meel wacan inaad wagac ka siisaaye

xigta weehad laga soo lisiyo weris dhanaankeeda

kaa waayey inaad weel culan wax igu siisaaye

wejigaa la maydhaa kolkay waabberkii tahaye

ma widh widho jidhkaan lagu wadeyn weelka dhaashiga e

kaa waayey weligey inaan waana kuu bogo e

ALLE ha unaxriiste abwaanku si qoto dheer ayuu u waaniyey waxna ugu sheegay qofta dumarka ah in ay dhinac yada uu tabanayo ay sidan udhaanto

Abwaanada soomaaliyeed marna kama gaabin in ay wax u sheegan dumarka una tilmaaman dowga saxda ah ee ay mari lahayd iyo waxa ay kaqaban lahayd

nin aftahan aanan magaciisa haynin ayaa gabadhi guur ka dalabtay waxa uu ku lahaa isaga oo u sheegaya wax uu rabo in samayn lahayd haday noqoto afadiisa wuxuu yidhi sidan se ma ah gabay waxaanka mid ahayd kalmadahan

ninmishiiqsi badan baan ahee maydhasho hadaynin

kol haddaanad iga maarmin idan ha moogaan

tuurey ganbadaadu leedahaye taabo madaxaaga

habeenkii hurdada tiinbo towdhe waaberiga

yuu adhigu kaa kala taginee tiri baraarkaaga

xildhibaan ogow waxaan jeclahay xaraf gobaadeede

xoolana ogoow nimaan lahayn xagashu waa weyde

hase ahaatee arintu waxa xurgufta xalin jirey isla odayga reerka ahna ninka qaba gabadha waloow ay ceeb ahayd oo ay dadku inta badan usan u bixi jirin khilaafku dibada laakin mararka ay xaaladu adkaato ayna lagama marmaan noqoto in dadkale xaliyaan ayaa odayaal loo saari jirey arinta khilaafka waxaynaka koobnaan jireen odayaal ka socda dhanka inanta iyo kuwo kale oo ka socda inanka waxayna goyn jireeen garta oo ay siinjireen qof walba gartiisa hadii intaa ay ku xalismi waydo waxa looga sii gudbijirey go aan ya gaaran xeer beegtidu gu aankuna waxauu ku salaysnaan jirey in ay sii wada joogayaan reerku iyo in ay ku kala tagayaan marwalna waxa laxeerin jirey danaha reerka iyo caruurta

Masayr masayku ama hinaasuhu waa nooc labaad oo ka alkumo khilaafka qoysasku waana ka ugu adag ee ka dhex dhaca lamaanaha masayrku waxa uu dhacaa marka lala guursado gabadh kale taas oo ay ogalayn in lala qabo waxana inta badan lagu xaliyaa inuu ninku iska daayo reerka kale ama uu siiyo xoolo looyaqaan hinaasatir

hadaba waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa tixo gabayo ah oo kahadlaya guu r ka iyo kuwo laguu sheegayo laguuna tilmaamayo gabadha aad guursan lahayd sidoo kale quruxda gabdhaha iyo sida ay u yaqaanaan iyo talooyin guurka kusaabsan

abwaan maxamed fidhin isagoo ka hadlaya wax yaabaha lagu guursado gadadha waxa uu yidhi sidan hoos ku xusan

· Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede

Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye

Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye

Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace

Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede

Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa

markale abwaan maxamed fidhin waxauu lee yahay waxan kuu dooray gabadhaa taana iska ilaali in ay gasho gurigaaga sababo badan awgeed waxa uu kuu tilmamayaa inaadan waligaa ku noolaaneyn nolol nasasho leh haday gabadhu diin lahayn waxba matarayaan reerka ay ka dhalatay haday geesiyaal yihiin yacni ubadka kuuma barbaariayaan maalna waxbamataraayo hadayna diinlahayn ayaa uu leeyahay abwaanku

Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho

Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda

Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso

Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda

Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin

Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin

Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona

Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo

Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe

Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto

Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo

Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso

Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye

abwaankale oo soomaaliyeed ayaa isna si fiican u tilmaamaya quruxda gadadha soomaaliyeed iyo taad guursan lahayd hadaad guur aad u hawooto sifooyinka quruxda ay u yaqaaneen soomaalidii hore markay qiimaynayaan quruxda gadadha waxana uu ahaa abwaan maxamed nuur fadal

wuxuuna yidhi sidan

dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise

hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane

meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay

dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda

dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso

cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda

dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e

saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda

sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay

waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

Abwaan Axmed Maxamed Cabdalle waxauu isaguna ku farayareystay astaamaha lagadoonayo gabadha la guursanyo iyo ninka guursanaya dhankuu ka eegayo iyo wax yaabuhuu ku xulnaayo waxaanu yidhi sidan hoos ku xusan

Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane

Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye

Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye

Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye

Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye

Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne

Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe

Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye

Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane

Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine

Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye

Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye

Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone

Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye

Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye

Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye

Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye

Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye

Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye

Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne

Aw yuusuf maxamed xirsi oo lahaa gabayga guur aan kala aado ayaa waxa uu dhaliilay gabdhaha sidan ay tahay astaamahoogu kamidtahay gaabnaan ta iyo midaan xerada xoolaha hagaajin sida basarida iyo gabadh aan soo dhaweyn odayaasha taasoon laga xusin geedka ay isku yimaadaan odayaashu ayna odhan hablaayo uyeedha wax ha inoo qabatee ama wax haynoo karisee hadayna intaa koobsan guur aan ka la aado ayaa uu leeyahay abwaanku

Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin

Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin

Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin

Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado

isla dumarkuna kama madhna dhankooga in ay astaameeyaan raga ay doonayaan in ay guursadaan iyo sifooyinka y ku dooran lahaayeen waxa aynu soo qaadan doonaa gabadh abwaanada oo ducaysaneysa allena waydiisanaysa ninka ay robto waloow ay ku sar goysay baahideeda dhanka diinta waana gabadha ahna abwaanada Canab Guuleed Maxamed

waxayna tidhi sidan hoos ku qoran

Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase

Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye

Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne

Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta

Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu

Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay

Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan

Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan

Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye

Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.

Ahmed tutorial

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *