Fandhaal waa shay la qoray oolaga qoray geedo.Fandhaalka axalaga qoraa geedo kala duwan oo ay kamid yihiin Bisiqa,Xagarka,himirta iyo geedo kale oobadan. waxa qora fandhaalka farshaxanka soomaliyeed.fandhaalada waxtarkoodu waabadanyahay, waxa lagu cunaa bariiska, shuurada, garowga ama hadhuudhka, muqmada ama odkaca iyo waxyale kale. fandhaalka meeshisa sare way xardhantay meesha laqabsad wagii hore balaisticmali jiray halka imika malqacadha laga isticmalo malqacadaha casriga.

Sibraar
sibraarku waa harag ari oo lamagdiyay oo lajilciyay.
sibraarku waa neef ariya haragi oo isku dhanoo aan waxka maqnayn.
Neefka marka labireeyo,waxa laga gooya qoorta ,kadibna haraga nefka waxa looga saara xaga danbe ama gadaal gadaal, isaga oon lahyn meel jeexan laga reebo madaxa iyo afarta adin lugood.
Marka haraga neefka lagasiibo, waxa laga hoolaa dhogorta ,kadibna haraga waala aslaa.
Marka asalku galo haraga waa laqalajiyaa.
Kadibna waala jijibiyaa oo waxa laga dhigaa wax jilicsan oo quruxbadan.
Sibraarka wax lagu shubtaa caanaha.

Qarbad
Qarbadka waxa laga sameeya hargaha ariga ama kuwa ugaarta.
waxaana lagu shubtaa biyaha,oo waxaku dhaqno kuna dhaansadan reer guuraagu.
qarbadka marka hore neefka laga siibaa,kadibna dhogortaa laga hoolaa.
markaasa waxa lagaliyaa “asal”,
Asalku wuxuu haraga u taraa waxyabo badan:
marka hore qurunkuu kaceliyaa, mida kale wuu xoojiyaa oo qaruu uyeela iyo waxyalo kale oo badan. marka biyaha lagu shubo qarbadka waxa laga xidhaa madaxa. biyaha qarbidku waa qabowyihiin kuwa kale ee lagu shubo welasha kale sidaa maha.

Gambar
Gambarku waa shay lasameeyay oo kakooban:Harag lo,aad iyo afar qori.Harragu wuxuu leyahay afar hees ama afar madax oo duleela.Afarta melood ee daloola waxa lagaliyaa afarta qori ee uu ku taaganyayhy gambarku.Haragu waa afar gees dhogorta lagama hoolo ee waa loodaayaa. Qoryuhu waa afar qori oo laga qoray “xagarka ama garaska”,afarta qori dhexda waxay ku leeyihiin xarar ama xarii jimo lagu qurxiyay. Gambarka waa lagu fadhisan jiray waxana isticmali jiray dadka ku nool tuu looyinka ama magalooyinka soomaliyeed.
Haruub
Haruubku waa weel laqoray oo laga qoray geedo kala duwan oo ay ka mid yihiin :Xagarka,yucubta dhidinka, gawlada, qaroonka iyo kuwo kale oo badan. Haruubka marka laqoro oo sidii larabay laga dhigo, waa la asla si uu uyeesho oogo gaduudan ama cas oo quruxbadan, kadibna waala deebiya ama la culaa si uu noqdo madaw.Haruubku dushasare wuxuu ku leeyay xariijimo quruxbadan oo dhawr nooca ah. haruubku salka hoose wuu udhubanyahay qarka sarana wuu u weyn yahy. Haruubku wuxuu leyahay dabool isna qori ah.Haruubka waxa qora raga somaliyeed e farshaxankaa,waxana lagu shubtaa caanaha, wuxuu leeyay laba side.


Raarka
Raarka waa la sameeyaa,waxana laga sameeyaa,caws,mayrax,xaskul,mariin Iwm,inkasta oo raarku ka koobanyahay dhawr shay,haddana waxa u badan oo saldhig u ah cawska. Cawska laga sameeyo rarada, waxy ukala baxaan:maar,qaromaale, danyo, majeer,cawsood,dooyo,yaryare, xaw-baf, dhurbe, caws-qansax iyo kuwo kale oo badan. Sida badan marka hore cawska isaga oo qoyan baa lasoo gooyaa, kadibna marka uu qalalo baa lajejebiyaa ama latumaa oo la jilciyaa. Qoyaan iyo qalayl midkasta halagu soo gooyee, marka latumo, waa ladharbiyaa oo isaga oo aan faraha xaganayn baa raarka la saameyaa. sida ka muqata raarka waxa lagu qurxiyaa farshaxan kala duwan oo magacyo badanleh, waxa ka mid ah: Gannnun,boqoro,haldhaaf,halyarad,daboyare,ciyi rog,barayare,jeedal,qardhaas,sinjab,fargargaar,dumar-hawir,istaraar,jiibis,feeracadde,dabayare iyo kuwa kale. Rarada waxa sameeya haweenka somaliyeed ee ku nool miyiga . waxaana lagu dhisaa aqalka. wuxuuna dadka ka celiyaa roobka, dhaxanta,qoraxda, bahallada .
DHig Qabaxa
Dhigta qabaxa ahi waa shay kamida hoyga dadka soomaliyeed Dhigtu waxay uqayb santay geedo lama hood iyo hargo lajeex jeexay, geedaha lamahooda laga sameeyo dhigaha waxa kamid ah, hohobka, miracaska cawska lagu maga caabo “Duurka”, xididka sarmaanta, quracsa iyo kuwo kale oo aad ubadan. Haraga dhigaha lagu maro waxa lagu magacaaba “jill”, haraga marka laga bixiyo neefka inta uu qoyan yahaybaa lahurshaa,marka uu mudo huursanado ayaa waxa lagushubaa danbas,kadibna dhogartaa laga rifaa kadibna markasa la aslla kdibna la dildilaaciyaa hadan loo bahnayn markaa waa la qalajiyaa oo waxa lagu wadhaa dhulka.