DEEQSINIMADA
Deeqsinimadu waa sifo, diintu ammaantay, qof walba oo wax isku falayana jecel yahay in uu ku tilmaannaado.
Murti aanan tiris gelin, tix iyo tiraabna isugu jirta ayaa lagu ammaanay deeqsinnimada iyo dadka Alle ku mannaystay iyo kuwa kasbaday labadaba, halka bakhaylnimada la geeyay meel aan innana la isu quurin loona xilan karin.
Deeqsinnimadu waxay isir wadaagaan geesinnimada.
Deeqsinnimadu waa qiyam wanaagsan iyo dhaqan suubbanaantiisa la isaga marag yahay.
Deeqsinnimadu waa kalgacayl iyo khayr la doonidda qayrkaa.
Deeqsinnimadu waa damiir iyo dareen qofnimo.
Deeqsinnimadu waa garasho iyo geesinnimo.
Deeqsinnimadu waa gacalnimo u muujin qof markaa dantu badday inuu garab iyo gacan kaaga baahday.
Deeqsinnimadu ma aha inaad qofka siisid waxa uu u baahan yahay oo kaliya sida aysan u ahayn inaad bixisid waxa aad ka kaaftoomi kartid oo kaliya.
Deeqsinnimadu waa inaad qofka u hurtid wax aad uga baahi badan tahay, sidoo kale deeqsinnimadu waa inaad bixisid waxa lagu biday adigoon Alle cid aan ahayn kaga xisaabtamayn mahadnaq iyo abaalgud midna.
Deeqsinnimadu kuma koobna waxsiinta oo kaliya.
Deeqsinnimadu waxay gashaa meel walba oo wanaag galo, ayna kamid yihiin:-
Wax-quurka (iithaarka)
Hadalka wanaagsan,
Khayr malaynta
Daacadnimada (nasiixada),
Ergada,
Islaaxinta dadka is-haya,
Dadbaadinta naf dhibban,
U hiilinta diinta,
U hiilinta qofka dulman,
ka qabashada daalimka dulmiga,
Daryeelka deegaanka,
Garowshiinyaha,
Tanaasulka,
Cafiska,
Calool-fiyoobaanshaha
Waji furnaanshaha
Dhoolla-caddayska iyo
Dhammaan wanaagga tirabeelka ah ee ay diintu ina fartay.
Maahmaahyada ka hadlaya deeqsinimada iyo sharaxaadooda
- “Nin deeqi ma daalo.”
➤ Qofka deeqsiga ahi marna kama daalo samafalka iyo caawinta dadka kale. - “Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.”
➤ Marka la isu naxariisto oo la iskaashado, wax walba waa la wada qaban karaa. - “Deeq laguma dhaqdee waa lagu dhashaa.”
➤ Deeqsinimadu waa dabeecad Alle bixiyo, ma aha wax si fudud lagu barto. - “Nin wax bixiya, Eebbe baa sii siya.”
➤ Qofka wax bixiya Eebbe ayaa u siyaadiya nimcada uu haysto. - “Gacanta sare ayaa ka khayr badan gacanta hoose.”
➤ Qofka wax bixiya (gacanta sare) ayaa ka wanaagsan kan qaata (gacanta hoose). - “Nin deeq badan dadbaa jecel.”
➤ Qofka deeqsiga ahi wuxuu kasbadaa dadka iyo kalsoonidooda. - “Cunto la cuni karo, lama qarsho.”
➤ Deeqsigu ma qariyo waxa uu hayo ee wuu la wadaagaa dadka kale. - “Nin aan wax bixin, lama xasuusto.”
➤ Dadka deeqda iyo samaha sameeya ayaa bulshada xasuusata. - “Naxariistu waa deeq.”
➤ Naxariis u muujinta dadka kale waa qayb ka mid ah deeqsinimada. - “Nin la deeqay lama illoobo.”
➤ Qofka dadka u naxariista ama u gargaarana lama ilaawo. - “Biyo sacabbadaada lagu qabtaa bay ugu dhow yihiin.”
➤ Ka bilow samafalka naftaada iyo dadka ku dhow, ka hor intaadan fogeyn. - “Nin wax bixiya, waa nin la bixi karo.”
➤ Qofka deeqsiga ahi waa mid Alle u sahlo barako iyo fursado kale. - “Nin wax bixiya, wax buu helaa.”
➤ Deeqsinimadu mar walba waxay dhalisaa abaal iyo barako. - “Deeq la’aani waa saboolnimo qalbi.”
➤ Qofka aan deeq lahayn wuxuu ka saboolsan yahay mid kasta, xitaa haddii uu maal haysto. - “Hadii la is siiyo, waa la is jeclaadaa.”
➤ Deeqda iyo is-caawintu waxay kordhiyaan jacaylka iyo kalsoonida bulshada. - “Nin deeq badan, Alle baa u deeq badan.”
➤ Qofka dadka siiya waxaa Eebbe ka siiyaa si ka badan. - “Nin samafale ah, waa la wada jecel yahay.”
➤ Dadka wanaagga iyo caawinta sameeya waa lagu wada farxaa. - “Deeqdu waa geed hadhsan oo lagu nasto.”
➤ Deeqsigu wuxuu bulshada u yahay sida geed hadhsan oo lagu nabad galo. - “Qofka wax bixiya, ma waayo saaxiib.”
➤ Deeqsigu wuxuu leeyahay saaxiibo badan oo qiimeeya dabeecadiisa. - “Deeqsigu waa la mid ah roobka, meel walba wuu nabbadaa.”
➤ Sida roobka oo kale, deeqsigu meel walba barako ayuu geeyaa.

Nin xakiim ah ayaa isagoo safar ku jira helay dhagax macdan qaali ah. Isagoo dhagaxii sita ayay nin kale oo isna safar ah kulmeen oo aan wax raashin ah sidan. Ninkii xakiimka ayaa shandadiisa furay oo raashinkiisa wax ka siiyay ninkii safarka kula jiray.
Ninkii ayaa arkay shandada xakiimka dhagaxa qaaliga ah ee ku jira isagoo garnayay qiimaha dhagxaasi, ka dibna waxa uu weydiistay inuu siiyo dhagaxaasi?
Ninkii xakiimka ahaa isagoon jawaab ku celin ayuu siiyay oo ku yidhi “ Qaado waa dhagax macadan qaali ahe”. Ninkii ayaa tegay isagoo aad ugu faraxsan dhagaxan qiimaha leh ee uu siiyay oo noloshiisa oo dhan ku filan isagoo weliba garanaya inuu qiimo badan leeyahay
Markii magaalada uu la yimi ee si rasmi ah u ogaaday qiimaha dhagaxa , ayuu dib ugu noqday ninkii xakiimka ah ee siiyay waxaana uu ku yidhi. “ Waad ogayd qiimaha dhagaxan qaaliga ah, aniguna waa ogaaday qiimihiisa qaaliga ah, haddana si fudud ayaa markiiba aad ii siisay. Markaa anigu ma rabo dhagaxii ee qaado waa kane.
Laakiin waxan ka codsanaya inaad isiiso waxa gudahaaga ku jira ee kuu ogolaanaya inaad bixiso shay sidan qaali u ah? Sidaasi ayay dadka xikmada lihi ay qiimo ugu leeyihiin kasbashada quluubta dadka laakiin aanay qiimo ugu lahayn alaabooyinka si kasta oo ay qaali ugu yihiin. Dadka waxa