Kuwani waa sawiro muujinaya qaabka iyo nidaamka dhaqanka Soomaalida.

Durbaan wuxuu kasamay sanyahay harag iyo qaybta hoose oo geed laga qoray waxa la isticmaal munasibada sida arooska iyo xaflad gaarka

Xaaqin ama mafiiq waxa lgu nadifinjiray guryaha halka imika la isticmalo waxyale kale ookala duwan

Haanta waxa laguluula caanaha si subaga looga soosaro
Heesta haanta
Haantii qabooy qoor yar
Laba qaalin kula buubtay
Laba qaar laguu kala jar
Geed dheer lagaa soo lul
Geel jirre ku qooraansay
Haanyahay dhig-dhigo dhabar yar
Waa layna dhibayaaye
Oday-dhagar qabaa yimiye
Caanii ma dhay-yeeysay Mise waad dhanaanaysay
Naa fuudo naa fuudo ma fayoobidoo
Ogiye fara kuguma yaaliine
Ma furtaa lagaa dhuugey
Naayaa dhig-dhiga dhabar yar
Sii walah dheh soo walah dheh
Caanaha walaahoodi
Naa baayo naa baayo yaan
Buulka lagu dhigine baranbaradu
Kugu xayane
Haanyahay bulooy ii bax
Naa baayo naa baayo naa baayo
Beesheenu waa
Beelo ceebeede yaan subaga
Lay bidine yaan
Soo bax lay odhane yaan bilistu ii shirine
Haanyahay bulooy ii bax

Fidhin ama Saqaf waxa lagu hagaajin jiray timaha waxa laga sameeyay geed

Waxa laga sameeyay geed laqoray oo la qurxiyay