Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa mid qani ku ah farsamada gacanta,gaar ahaan agabka lagu isticmaalo nolosha miyiga iyo reer guuraaga.Halkan waxaan kugu sharaxayaa agabkaladuwan iyo sida loo isticmaalo, waxayalaha laga sameeyay.
R A A R
Raarka waa la sameeyaa, waxaana laga sameeyaa, Caws, Mayrax, Xaskul, Mariin iwm, inkasta oo raarku ka kooban yahay dhowr shay, haddana waxaa u badan oo saldhig u ah Cawska. Cawska laga sameeyo rarada, waxay u kala baxaan: maar, qaroomaale, danyo, majeer, caws cad, dooyo, yaryare, xaw-baf, dhurbe, caws-qansax iyo kuwo kale oo badan.
Sida badan marka hore cawska isaga oo qoyan baa la soo gooyaa, ka dibna marka uu qalalo baa la jejebiyaa ama la tumaa oo la jilciyaa. Qoyaan iyo qalayl mid kasta ha lagu soo gooyee, marka la tumo, waa la dharbiyaa oo isaga oo aan faraha xaganayn baa raarka la sameeyaa. Sida ka muuqata raarka waxaa lagu qurxiyaa farshaxan kala duwan oo magacyo badan leh, waxaana ka mid ah: Ganuun, Boqoro, Haldhaaf, Halyarad, Daboyare, Ciyi rog, Barayare, Jeedal, Qardhaas, Sinjab, Fargargaar, Dumar-hair, Israar, Jilbis, Feeracadde, Dabayare iyo kuwo kale.
Rarada waxaa sameeya Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool Miyiga. Waxaana ku dhaqma reer guuraaga iyo kuwo ku nool tuulooyinka, waxaana lagu dhisaa Aqalka, wuxuuna dadka ka celiyaa Roobka, Dhaxanta, Qorraxda, Bahallada iwm.
KEBED-GALOOL
Kebed-Galooshu waa shay la sameeyey oo laga sameeyey Geed lagu magacaabo “Galool mayraxdi”. Geedka Galoolka ah, wuxuu leeyahay Qodxo iyo mayrax, waana dheer yahay marka uu koro. Geedka Galoolka ah, Mayraxdu waa guduudan tahay, haweenka soomaaliyeed geedka bay mayraxda ka soo diiraan ka dibna intay qallajiyaan bay feeraan oo mariyaan rinji ay sameeyeen oo aan cid kale aqoon. Markaas ka dibna waxay miiqaan geediyaal tiro badan, waxayna isku xirxiraan mayraxdii iyo geediyaalkii, waxaana ka soo baxa Kebed-Galool weyn oo qurux badan oo dhinac weyn lagaga daboolo Aqal-Soomaaliga. Kebed-Galoosha marka la sameynayo, waxaa isugu yimaada dhowr haween ah ee sida rarada haweeney keliyihi ma sameyso. Kebed-Galoolka waxaa ku dhaqma reer guuraaga soomaaliyeed qaar ka mid ah.

DHIG-QABAXA
Dhigta-Qabaxa ahi waa shay ka mida hoyga dadka soomaaliyeed. Dhigtu waxay u qaybsantaa: Geedo laamahood dhuudhuuban iyo hargo Ari oo la jeexjeexay. Geedaha laamahooda laga sameeyo dhigaha waxaa ka mid ah: Hohobka, Miracaska, Cawska lagu magacaabo “Duurka”, Xididdada Sarmaanta, Quraca iyo kuwo kale oo aad u badan. Hargaha Dhigaha lagu maro, waxaa lagu magacaabaa “Jil”. Haragga marka laga bixiyo neefka, baa intuu qoyan yahay la huurshaa, markuu muddo huursanaado baa waxaa lagu shubaa dambas, ka dibna dhogorta baa laga rifaa. Haddii la rabo isla markaas baa la aslaa la dildilaaciyaa ama la dhilaa, haddii aan loo baahnayna markaas, waa la qalajiyaa haragga oo dhulka baa lagu waraa. Dhigta labada madax waxay ku leeyihiin labo ulood oo dhulka lagu mudo. Dhigta Qabaxa ahi meel weyn bay ka joogtaa Dhaanka reer guuraaga, waxaana sameeya Haweenka Soomaaliyeed, waxaana ku dhaqma reer Guuraaga Soomaaliyeed.
DHIGO-LOOL AH
Dhigaha Loolka ahi waxay ka mid yihiin Aqal-Soomaaliga. Dhigahu waxay u qaybsamaan laba nooc oo kala ah: Lool iyo Qabax. Loolru way ka jilicsan yihiin, waana ka dhuudhuuban yihiin Qabaxa. Dhigaha loolka ah waxay ka samaysan yihiin: haragga xoolaad iyo geedo kala duwan laamahood. Hargaha dhigaha lagu maro waxaa lagu magacaabaa “Jil”. Jilku waa harag ka dib markii dhogorta laga hoolay oo la aslay, la dildilaaciyey. Geedaha laamaha laga soo jaro waxaa ka mid ah: Miracaska, Hohobka, Cayska loo yaqaan “Duurka”, Xididdada Quraca, iyo kuwo kale. Dhigta loolka ah, marka hore waxaa loo kala sameeyaa saddex qaybood oo dhuudhuuban oo dhaadheer oo leh Jil iyo Laamo, ka dibna saddexda qaybood waa la isu keenaa waxaana laga dhigaa Dhig keliya. Dhigaha waxaa sameeya haweenka soomaaliyeed ee reer guuraaga ah.
ALOOL
Aloolku wuxuu ka mid yahay dedka aqal-soomaaliga, waxaana laga sameeyaa laamo dhuudhuuban oo laga soo jaray Cays dheerdheer oo lagu magacaabo “Duur”, hargo ari oo la jeexjeexay, maryo la dildillaaciyey iwm. Aloolka sida badan marka aqal-soomaaliga la dhiso, waxaa lagu awdaa irdaha oo waa albaab. Marka lagu awdo iridda aqalka, wax soo meri karaa ma jiraan. Aloolka waxaa sameeya haweenka Soomaaliyeed ee reer guuraaga ah.
LAMMO
Lammadu waa hargo xoolaad oo laga sameeyey hargaha Lo’da iyo Geela. Haragga marka laga siibo Neefka waa la dhisaa oo dhulka baa lagu dhisaa. Markuu qallalana waxaa la isku keenaa saddex ama laba harag oo kala midab ah, ka dibna waa la isku tolaa ama. Laysku kabaa.
Lamada dhinaceeda sare lagama hoolo dhogorta ee waa loo dayaa dhinaceeda Kalena waxalamariyaa asal iyo subag.
Waxtarka lamada dhaqandhawr.comwaxa kamida reerku marku guuro ayaa awrta lagu qaado, caruurta iyo maqasha ayaa cadceeda lagaga ilaa liyaa.